Wararka nagasoo gadhaay dhulka Somalida ay Kenya gumaysato loo yaqaano NFD ayaa sheegaya inay ciidamada Kenya ay haween ku toogteen magalaada Mandera ee gobolka NFD.

Dilka Haweeneydan ayaa ka dhacay xaafadda Rhama ee magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.

Guddoomiyaha Urur u dhaq dhaqaaqa dadka deegaanka ayaa xafiiska dacwad-oogaha guud u gudbiyay gal-dambiyeed ka dhan ah ciidamada Kenya oo ay ku eedeeyeen in ay si joogto ah u dhibaateeyaan shacabka Soomaalida ee ku dhaqan gobolka NFD ee Kenya gumaysato.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya ayaa xaqiijiyay in ay soo gaartay dacwaddaas iyo cabashada ka dhanka ah Ciidanka ammaanka, isaga oo xusay in ay baaritaan  dhab ah ku sameynay doonaan Kiiskaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee ciidamada Kenya ay dad rayid ah ku xasuuqaan gobolka NFD.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.