Meelaha badan oo ka tirsan Ismaamulka Tigreega waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeda maamulka gobolka, dadweyne ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigay gobolkaas.

Dibadbaxyaashu ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee mara gobolka, halka meelaha qaarna ay isku dhaceen booliska.

Dibadbaxyada ayaa ka dhacay magaalooyin qaar, waxaana sii kiciyay isbaddallo ay ku dhawaaqda dowladda hoose, shacabka waxay codsanayeen in magdhaw lasiiyo, kaddib markii lagu qasbay inay isaga qaxaan dhulkooda, si halkaas looga iibiyo warshad soo saarta sokorta.

Waxaa dhif iyo naadir ah in gobolkan ay ka dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeedo ismamuulka Tigreega ee uu hoggaamiyo xal xisbi waana kooxda TPLF, oo in ka badan 20 sano door muuqda ku soo lahaa siyaasadda Itoobiya, haatan waxay caqabad ku noqdeen Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli ay sare u kaceyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeeysa ismamuulka Tigreega iyo xukuumadda dhexe ee Addis Ababa.

Gobolkan wuxuu ku hanjabay in doorasho u gaar ah uu ka qabsan doono Itoobiya, waxaa dib loo dhigay waqtigii ay dhici laheyd doorashada feyraska Corona dartiis.

Mas’uuliyiinta Tigreega waxay ku eedeeyeen maamulka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed inuu sii hurinayo qalaalasaha siyaasadeed ee ka taagan gobolka ismaamulka Tigreega.

Dowladda federaalka waxay dhankeeda sheegtay in dibadbaxyada ka taagan gobolka Tigreega ay muujinayaa rabitaanka shacabka ku nool gobolkaas ee ah inay helaan xoriyad iyo go’aan ku dhisan isla guddoomin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.