Wararka Halgan Media kaso gadhay gudaha Ogadenia gar ahaan magalada Goday ayaa sheegaya in shacabka magalada Goday soorogay bandow fidkii ah iyo xalayna laxidhay dad badan oo lagu edeeyay inay habeenimo socdeen.

Ciidanka gumeysiga itoobiya oo kashanaya maleeyshiyaadka Liyuu Boliska ayaa habeenkii dariqyada magalada Goday koox koox utageen, waxayna dadka waydiinayaan aqoonsiga at Wayaanahu bixiyaan. Dhibka ayaa lagaranayn waxaa soo korhdiyay wakhtigan.

Marwalba ciidamada gumeysiga itoobiya waxaay bandow kuridaan dalka Ogadenia oo caqabad weyn kunoqdo shacabka oo waxba galabsanin,

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.