Wararka Halgan Media kaso gadhaya gudaha Ogadenia gar ahaan magalaada Jigjiga ayaa sheegaya inay xaalada magalaada si weyn uu qasantahay, waxaana dhanka galbeedka ee magalaada Jigjiga laga maqlayay rasaas goosgoos ah. Warar ayaa sheegaya inay magalaada ciidanka gumeysiga itoobiya oo ilaa daraad aan lagu arkaynin soo galeen magalaada.

Sida naloo sheegay markii ay ciidankaasi soo galeen, waxaa meel kiniisad ah oo ay ku xaraysnaayeen ka soo yacaay dad itoobiyan ah oo Somalida weraar ku qaaday. Somalida ayaa la sheegaya inay dhagaxaan gurteen si ay isu difaacaan, kadibna ciidanka gumeysiga itoobiya ee halkas soo gaadhay ayaa rasaas ku furay shacabka Somalida ah, iyo 5 ruux ayaana dhimatay sida naloo sheegay.

Warar ayaa sheegaya in Cabdi Iley xilkii uu dhigay, nin la yidho Cabdi Axmed Maxamaed (ilkacase) aa xilka loo wareejiyay. Maleeyshiyaadka Liyuu Bolis ayaa la sheegaya inay magalaada ka bexeen, lamana cadaynin qaabka ay ugu bexeen iyo meesha ay u bexeen. Dadka Jigjiga kusugaan waxay bixinayaan warar aad isu khilaafsan oo ay sabab u tahay dadka oo kala go’an iyo khatka interntka oo ka xidheen. Sido kale markii ay ciidamada gumeysiga itoobiya magalaada gacanta kudhigeen, waxaay maglaada geliyeen bandow.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.