Wararka ka imanaya caasimada gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dalkaasi uu is casilay. Kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan Golaha aqalka sare iyo Shacabka ee Itoobiya maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in uu isku casilo Madaxweyne Teshome .

Kulanka labada aqalk ayuu Khudbad ka jeedin doonaa Madaxweynaha xafiiska ka tagaya,waxaana uu gudbin doonaan warqadda is casilaaddiisa. Intaas kaddib fadhiga labada aqal waxaa lagu dooranayaa Madaxweynaha isaga beddelaya,waxaana la filayaa in uu ka yimaado madaxweynaha cusub bulshooyinka kale ee aan Oromada ahayn.

Bishii October ee sanadkii 2013kii ayuu noqday Madaxweynaha Dalka Itoobiya,xilligaas oo uu Xeyla Maryam Ra’isalwasaare noqday kaddib geeridii dhigya cabka Malez Zenawi.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.