Wararka nagasoo gadhay gudaha Ogadenia ayaa sheegaya in xadka Ogadenia iyo Oromia kasocdo dagaal shacab badan oo Somali ah galaaftay in kale oo badana barakiciyay oo ay mamuulka OPDO iyo maleeyshiyaadka Oromada ay siwadajir ah ugu qayb qaadanayan dagaalka lagu haayo shacabka Somalida Ogadenia ee xadka degan gaar ahaana gobolada Libaan, Fafaan, Nogob iyo waliba kuwa dhex degan gudaha Oromia. Wuxuu hada gumaadka uGu xun kasocda gudaha mamuulka Oromadadadkii Soomaaliyeed ee dhex daganaa.

Abiy Axmed oo shalay ka haday colaada laga dhex abuurayo shucuubaha kuwada hoos dulman taliska gumeysiga itoobiya gar ahaan Somalida iyo Oromada ayaa sheegay inuu nabad iyo walaaltinimo ku baqaayo kuwa colaada huririnaya uGu baaqayo inay joojiyaan hadi ay joojin waayaana uu talaabo kaqaadi doona.

Colaada Somalida Ogadenia iyo Oromada oo mudo soo jiitamaysay ayaad moodaa inay xadka kasiibaxyso iyo Abiy Axmed ayaa weli wax muuqata ka qaban dhibaatoyinka kasocdo xuduuda Ogadenia iyo Oromia. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.