Dibadbax looga soo horjeedo maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degaanka Dhobaweyn ee Gobalka Qorahay, kaasi oo ay dhigayeen qaar ka mid ah dadka ku nool degmada, sida ay Halgan Media u sheegeen dadka deegaanka.

Dadka dibadbaxa maanta ka dhigayay degaanka Dhobaweyn ayaa waxaa ay ka caroodeen markii ee Liyuu Booliska shalay xidheen Sheekh Muxumed Deeq, kadibna xabsi loo taxaabo.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ay maanta rasaas Ku fureen dadka banaanbaxa ka dhigay degaanka Dhobaweyn  ee Gobalka Qorahay.

Rasaasta ay fureen maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhintay hal qof, Iyo afar kale oo ku dhaawacmeen oo ka mid ah dadka banaanbaxa dhigayay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay mamuulka gobolka Qorahay, kaasi oo Ku aadan inay faahfaahin ka bixiyeen dhacdooyinka shalay iyo maanta ka dhacay degmada Dhobaweyn ee gobolka Qorahay.