Wararka naga soo gaadhaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in kooxda xukunka marooqsatay ee Abiy Ahmed ay bilowday in ay xidh xidhaan siyaasiyiinta kasoo horjeeda qaabka ay kooxdu wax umaamulayso iyo waliba qaar kamid ah saraakiisha ciidamada oo diiday amarkooda sharci darada ah.

Sida xogta aan kuhelayno kooxda talada wadanka xooga kuhaysata ee EThiopian Prosperity Party (EPP) ayaa bilowday in ay xabsiyada dhigaan siyaasiyiin waawayn oo kasoo jeeda Gobolka Tigreega, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay fad qalala iyo qalalaase kawadaan wadanka gaar ahaan dhulka Tigreega.

Saraakiisha xabsiga ladhigay waxaa kamid ah Tewolde Gebretsadkan iyo Tesfalem Yihdego kuwaas oo lasheegay in aad loo jidh dilay kahor intii aan xabsiga loo dhaadhicinin siida ay sheegen idacaada BBC ee laanta Tigrinya.

Guud ahaan xaalada wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa ah mid wakhtigan murugsan waxaana la eegi doonaa todobaadada soosocda iyo sida ay xaaladuhu isu badalaan.

Halgan Media.