Wararka naga soo gaadhaya gudaha Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Oromada ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay xasuuqeen in ka badan 50 qof.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada Itoobiya ayaa howlgallo ka waday gobolka Kellem Wollega howl galkaan oo ka dhan ah Jabhadda OLA, kadibna tuulada Mugi ay ku xasuuqeen In ka badan 50 qof oo aan waxba galabsanin.

bilooyinkii u dambeysay ayaa ciidamada Itoobiya dagaal kula jireen Jabhadda OLA, wuxuuna dagaalkaas sababay khasaaro badan oo loo geystay dadka rayidka ah

Waxaan helnay magacyada qaar kamid ah dadka la xasuuqay, Hoos ka Akhriso.

1. Saalassib Addunyaa
2. Kadir Maammusheen
3. Bokkoosaa Oliiqaa
4.Waggaarii
5. Qajeelaa Dirribaa
6. Wandimmuu Taaddesee
7. Atooomsaa Roobaa.
8. Silashii Nagaa.
9. Addaamuu Nurgii
10. Befiqaaduu Lataa
11. Lalisee Wandee
12. Kibbituu Asaffaa
13. Addaamee Naggasaa fi
14. Hasan

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.