War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda socdaalka jinsiyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in maalinta beri ah oo ku beegan  12-ka July 2020 dib loo bilaabi doono bixinta baasaboorka oo markii hore loo hakiyey, sababo la xiriira cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus oo ka dilaacay gudaha dalka.

Qoraalka ka soo baxaya hay’adda ayaa waxaa ugu horreyn lagu war-geliyey Ummadda Soomaaliyeed in beri oo Axad ah dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka, iyada oo la raacayo talooyinka caafimaadka, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Covid-19.

Sidoo kale waxaa warkan lagu sheegay in xarun kasta ay qaabi doonto kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray oo ah 50%.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) waxey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelineysaa in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay,July 12, 2020, dib loo bilaabi doonto howlihii bixinta Baasaboorka.

Halgan Media.