Dowlada Sacuudiga ayaa markii ugu horeesay qiratay in gudaha Qunsuliyada ee ku leedahay Istanbuul uu ku dhintay Wariye Jamal Khashoggi kadib isku dhac ay sheegeen in uu halkaasi ka dhacay.

Saraakiisha dambi baarista Turkiga ayaa isku aadinaya natiijadii uga soo baxday baaristii ay ku sameeyeen dilka Wariye Jamal Khashoggi oo si ula kac ah loogu dhax dilay gudaha Qunsuliyada kadibna hilbihiisa la jar jaray.

Dowlada Turkuga ayaa shaacisay in ay soo bandheyso cadeynta natiijadii kasoo baxday baaritaankooda dilka Jamal Khashoggi, waxaana Sacuudiga ka wal walsan yahay in fadeexo ay ka raacdo natiijada saxda ah hadii ay Turkiga soo bandhigaan.

Saraakiil Turki ah oo qeyb ka ahaa baaritaanka dilka Khashoggi ayaa sheegay in ay hayaan codad iyo muuqaalo cadeenaya in si kas ah loo dilay Wariyaha, waxa ay sidoo kale sheegeen in ay soo heleen cadeymo kale oo dheeraad ah.

“Turkiga waxa ay soo bandhigi doonaan wax kastoo dhacay, cidna ma dacweyneyno balse ma ogolaanayno in ay jiraan wax damboo la qariyo oo waan shaacinaynaa” Ayuu yiri masuul katirsan dowlada Turkiga.

Boqortooyada Sacuudiga Bayaan kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Wariye Jamaal ku dhintay isku dhac dhax maray isaga iyo dad kale oo ku sugnaa gudaha Qunsuliyada, waxa ayna Sacuudiga kiiskan u xirtay Saraakiil .

Bayaanka Sacuudiga ayaa waxaan ku qancin Madax badan oo caalamka ah iyo Hay’adaha u dooda xaquuqda Aadanaha, waxaana hada laga dhursugayaa natiijada baaritaanka ay shaacin doonto dowlada Turkiga oo laga yaabo in Sacuudiga xaalada kusii xumeeyo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.