Wararka laga helayo koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolka Bay ayaa sheegaya in Askari ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa xalay isku dhiibay Al Shabaab.

Sida aan xogta ku helnay, ilo amni ayaa Halgan Media u xaqjijiyay inuu Askarigan katirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo loo yaqaan Daraawishta oo ka howlgalo degmada Diinsoor kadibna uu isku dhiibay Al Shabaab, waxaana naloo sheegay inuu magaciisu yahay Iimaan Abdi Ali.

Weli lama oga sababta keentay inuu askarigan isku dhiibo Al Shabaab. Lakiin marar badan ayey dhacday in ciidamada dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada isku dhiibaan Al Shabaab.

Halgan Media.