Wadaxaajoodka seddex geesoodka ee Itoobiya, Suudaan iyo Masar ee ku saabsanaa biyo xireenka ay Itoobiya dhiseyso ayaa dib u billowday.

Wakaaladda wararka ee Suudaan ayaa sheegtay wadaxaajoodka seddexda dal u dhaxeeya oo ku saabsan muranka webiga Nile oo qaab muuqaal ahaan ay dhinacyada u wadahadlayaan uu dhexdhexaadinayo Midowga Afrika.

Todobaad kahor wadaxaajoodkii dalalkaasi u dhaxeeyay ayaa natiijo la’aan kusoo gebagaboobay, kadib markii ay ku heshiin waayeen arrimo la xidhiidha qaabka loo buuxinayo biyo xireenka Itoobiya ay dhiseyso.

Itoobiya ayaa ku adkeysatay in bishan July ay billaabeyso buuxinta biyo xireenka. Masar iyo Suudaan waxay dhankooda ku doodayaan inay Itoobiya billaabi karin buuxinta biyo xireenka ilaa heshiis buuxa ay seddexda dal gaaraan.

Wasiirka biyaha iyo waraabka dalka Masar ayaa sheegay in wadaxaajoodkii seddex geesoodka ahaa ay Jimcihii shalay gelinkii dambe dib u billowdeen si ay dalalka isula meel dhigaan waxyaabaha la isku mari lahaa.

Halgan Media.