Waaxda Socdaalka Dalka Kenya ayaa sheegtay in 17 Qof oo Soomaali ah ay maanta ku soo celineyso Magaalada Muqdisho kuwaas oo shalay lagu qabtay Garoonka.

17ka Qof oo sida ay sheegtay Waaxda Socdaalka ku wajahnaa Uganda ayaa waxaa ay dood dhexmartay iyaga iyo waaxda dakhli Ururinta ee Garoonka JKIA.

Arrintan ayaa dhalatay kaddib markii Xildhibaan Patrick Wainaina, oo ka soo laabtay Imaaraadka safna ku jiray uu arkay dhallinyaro si xor ah u socda gudaha Garoonka sidoo kalena sarkaal ka tirsan Waaxda socdaalka weydiisanaya in uu astaanta fasaxa ugu dhufta baasabooradooda.

Xildhibaanka ayaa u tagay sarkaalka waxaana uu weydiiyay waxa ay yihiin,waxaana loo sheegay in ay diyaarad keentay Ugandana u socdaan,waxaa uu sarkaalkii weydiiyay sabarta ay Terminalka 1aad iyo 2aad dhexdooda si xor ah ugu socdaan muddo 10 daqiiqo ah.

Muran dheer kaddib waxaa la iskula laabtay waaxda dakhliga,waxaana la sheegay in dukumiintiyada ay wateen ay been abuuryihiin,Xildhibaanka ayaa codsaday magaca diyaaraddii ay soo raaceen,waxaa uu sawirro ka qaaday seddexda qof ee uu markii hore arkay waxaana uu ogaaday in ay ka badanyihiin oo ay 17 Qof yihiin.

Waaxda Socdaalka ayaa sheegtay in Maanta oo Isniin ah ay 17kaas qof Muqdisho ku soo celin doonto diyaaraddii shalay ka qaadday.

Amaanka Garoonka JKIA ayaa aad loo adkeeyay kaddib markii Sharikadda diyaaradaha ee kenya ay billowday duullimaad toos ah oo Mareykanka ah.

Sharikadda Keyna airways ayaa sheegtay in sidoo kale ay dhawaan billaabeyso duullimaad toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.