War naga soo gaarey caasimada dalka ee Muqdisho ayaa sheegaya in khamiistii la soo dhaafey ee Janaayo 30, 2020 seddex kuluumaystayaal oo dooni kireystay iyo ijaartsy si ay u soo kaluumeystaal la la’yahay.

Sida warku sheegayo seddexda nin ayaa waxaay baxeen xili habeen ah, waxaana dhowr saac kadib la ogaaday inuu Telefanadooda dansanyihiin, kadib markii la isku dayey in la waco.

Subaxnimadii Jimacaha ayaa 5 qof gurmad iyo baadi goob ugu baxeen, balse ilaa hada lama helin raq iyo rux toona.

Ariintan ayaa argagax geelisay dadka kulumaysatada ah iyo qoysaska ay kasoo jeedan kaluumeysatada la la’yahay.

Qaar ka mid ah ehelada kaluumeystada la layahay ayey Idaacada Halgan Media kula kulantey suuqa kuluunka ee Degmada Xamarweyne, eheladaa oo ay ka muuqato wel wel badan ayaa Halgan Media u sheegay in ay aad uga walbahaarsanyhiin xaalada wiilasha maqan.

Ehelada ayaa ka codsadey Mamuulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federalka inay wax ka qabtan dhacdooyinkan oo marwalba soo noq noqonaya.

Dhacdadan ayaa noqoneysa midii labaad ee bisha Janaayo ka dhacda Xeebta Muqdisho, waxaana totobaadyo ka hor la waayey 2 dhalinyar ah oo iyaguna kaluumeysi u baxay.

Qar kamid qoysaska kaluumeystada la’yahay ayaa Halgan Media la wadaagey magacyada wiilasha la’layahay, waxayna kala yihiin;

Hoos ka Akhriso.

  • Ibrahim Sharif Maxamed
  • Cabaas Gabaaska
  • Maxamed Cabdirahman

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.