Ra’iisul wasaaraha Gumaysiga Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bartiisa twitter-ka ku baahiyey khariidad yaab leh oo muujineysa Soomaaliya oo laga jaray gobollada Waqooyi.

Khariidaddan ayaa Abiy Ahmed wuxuu Itoobiya ku muujinayaa midabka cagaaran, hase yeeshee waxaa ka muuqda Soomaaliliya oo laga jaray gebi ahaan gobollada Waqooyi.

Waxaa la socda farriin kooban oo afafka amxaariga iyo English-ka lagu qoray oo macno ahaan noqoneysa “xoriyadda dalkeena, barwaaqada dalkeena.”

Ka sokow in khariidaddan Soomalaiya laga jaray gobollada Waqooyi, haddana sidoo kale kama muuqdaan guud ahana gobollada Awdal, Waqooyi Galbeed, Toghdeer, Sool, Sanaag iyo Cayn oo waa meel iska maran.

Dadka qaar ayaa taas ku macneeyey in Abiy aamisan yahay in Waqooyiga Soomaaliya aysan ka mid ahayn Soomaaliya, balse aysan qoonsi haysan, sidaas darteedna uusan u muujin.

Lama yaqaan sababta uu Abiy u sameeyey sidan, hase yeeshee waxa kaliya ee laga fahmi karo ayaa ah waxa uu ka aaminsan yahay Soomaaliya iyo siyaaddiisa ku wajahan.

Ma ahan markii koowaad ee Abiy Ahmed iyo dowladdiisa ay ku xadgudbaan madax-banaanida iyo qarannimada Somalia.

Website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa 26-kii May 2019 lasoo dhigay map ama khariidad si cad ugu xadgudubtay madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Khariidaddaas oo aheyd tan qaaradda Afrika, ayaa gebi ahaanba laga tiray Soomaaliya, oo lagu daray Itoobiya, laguna muujiyey khariidadda in Soomaaliya ay ka tirsan tahay Itoobiya.

Khariidadda cusub ee shalay uu baahiyey Abiy Ahmed ayaa twitter-ka lasoo dhigay 4:38 pm xilliga Bariga Afrika, hase yeeshee laga saaray 5:30 pm kadib markii carro xoogan ay ka dhalatay oo Soomaali badan ay qoraallo ka dhan ah ku muujiyeen twitter-ka.

Tweet-kaas ayaa sidoo kale ahaa mid pinned ah, oo meesha sare lagu dhajiyey si qoraalalda ka dambeeya ay mar walba uga kor ahaato.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.