Wararka laga helaayo degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaay in degmadaas ay ku dagaalameen Ciidamo Itoobiyaan ah  iyo Xarakada Al Shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degaanka Halgan.

Dagaalkan ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dhawaqa rasaasta si aad ah looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Dad ku sugan degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in dagaalka uu ahaay midkii ugu cuslay ee Degmadaasi ka dhaca mudooyinkii danbe, waxaa sidoo kala dadka deegaanka ay noo xaqiijiyeen in dagaalkaas uu ka dhashay khasaare kala duwan laakiin ay hubin inta ay la egyahay khasaaraha dagaalkaas ka dhashay.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo ka soo baxeysa dagaalkaasi, marka laga reebo Al-shabaab oo baraha warkooda ay ku faafiyaan ku soo qoray in dagaalkaas ay guula ka gaareen, dhanka saraakiisha ciidamada la weeraray ee Itoobiya ayaa weli ka hadlin dagaalkaasi iyo khasaaraha ka soo gaaray dhankooda.

Halgan Media.