Maanta waxay ku beegan tahay sanad guuradii aas’aaska Jabhada Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO) oo ay ka soo wareegtay 34-sano, ONLF waxaa la aas’aasay 15 August 1984, waxaana aas’aasay 6-nin oo dhalinyaro wadaniyiin reer Ogadeniya ahaa, kuwaas oo ka jawaabayay dareenka shacabka Somalida Ogadeeniya, xili uu gabaabsi galay halganka qori isudhiibka ah ee xoraynta Ogadeniya, ragii ONLF aas’aasay waxay kala ahaayeen kuwan hoose:

1. Mufti: Sheekh Ibrahim Abdalle Maxamed (Maax).

2. Dr. Maxamed Ismaciil Cumar.

3. Dr. Cabdi Ibrahim Geele.

4. Dr. Cabdiraxman Maxamed Sheekh Mahdi (Madey).

5. Mufti: Cabdiraxman Yusuf Magan.

6. Dr. Cabdullahi Maxamed Sacdi.

Jabhadda ONLF waxay gaadhsiisay halganka gobonimo doonka ee ay horseedka ka tahay heer caalami ah.

34 sano ee uu socday halganka JWXO waxaa ka hor yimid dhibaatooyin xoog leh oo kaga imanayay cadowga la yaqaan iyo midka aan la aqoon, kuligoodna way ka adkaatay jabhadu, cadawga la yaqaan ee ay JWXO ka adkaatay waa Itobiya, laakiin cadowga aan la aqoon ee ay dhibaatada kala kulantay JWXO wuxuu ka kooban yahay shaqsiyaad Soomaali ah oo Ogadeniya kasoo jeeda iyo inyar oo kale oo somalida kale kasoo jeedaa kuwaas oo ay Itoobiyo u adeegsato gumaadka shacabka Ogadeniya ee halgamaaga ah.

Sanadguuradani waxay ku soo aaday xili ay jwxo ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah taas oo uu keenay xiliga iyo duruufaha halgan ee lagu jiro, waxayna jabhaddu qaadatay go’aan ah inay dadkeeda midayso uguna baaqdo shirwayne qaran oo wadatashi, kadib markii ay Itoobiya ka saartay liiska argagaxisa ee dhankeeda okali ah ka diiwaan gashanaa.

ONLF waxay utahay guul mar haday maanta iyadoo nabad ah oo 34sano jirsatay ay si xor ah udhex joogto magaalooyinkeedi shacabkeedina abaabulanayso.

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com