Qaar ka mid ah Ganacsatada kunool Magaalada Boosaso ayaa Halgan Media u xaqiijiyay in Kooxda Daacish ay kusoo rogtay lacago badan in ay bixiyaan.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa sheegay Daacish ay ku amartay bixinta Lacagahaasi cidii diidana ay sheegtay in ay ka qaadi doonto tilaabo. Lacagaha ayaa lagu soo rogay Ganacsatadda Iska leh Goobaha Ganacsiyadda Magaalada Boosaaso, Sidda, Dukuumadda, Bakaaradda, iyo Shirkaddaha.

Daacishta Soomaaliya xoogooda waxa ay ku sugan yihiin degaanada Waqooyi Bari Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Bari iyaga oo ku dhuumaleysta dhulka Buuraha Silsilda Goolis. Waxa ay sheegeen ganacsatada qaar inaysan awoodin bixinta qarashaadka badan ee ay soo dalbadeen Daacish, taasi oo joogto noqon doonta bil kasta, waxayna ka muujiyeen ganacsatada arrintaasi walaac.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.