Ururka hubeysan ee Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday fariisin ay ciidamada ku leyihiin degmada Huriwa ee magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay, dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa hal mar weeraray labo fariisin kula duwaan oo ku yaalo xaafada Suuqa Xooloaha oo isla degmada Huriwaa, taas oo keentay in dawaqyada rasaas culus oo laga maqlo gud ahaanba waqooyiga magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa rasaas aan kala go’ laheyn isu adeegsaday, kadibna dagaalyahanada katirsan Al-Shabaab ayaa goobta ka baxsaday. Weli lama xaqiiji karo khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Taliska CXDS weli kama hadlin dagaalka xalay ka dhacay degmada Huriwaa, halka dhinaca kale Al-Shabaab ay sheegten masuuliyada weerarka.

Halgan Media