Kadib shir ay ku yeesheen magaalada Mandera gobolka NFD, hoggaamiyeyaasha degamooyinka Wajir, Garissa iyo Madera, ayey ka soo saareen qodobo dhowr ah oo ay sheegeen in lagu yareyn karo weerarada Al shabab ay ka geystaan gobolkaasi.

Hoggaamiyeyaasha gobolka NFD ee Kenya Gumaysato ee dalkaasi ayaa isku raacay in dadka deegaanadaasi iyo maamulladooda ay bixiyaan Magdhawga dadka aan Soomaalida aheyn ee Al Shabaab ku dilaan gudaha deegaanadooda. Guddoomiyaha Mandera Cali Roobow ayaa sheegay in arritani ay hoos u dhigi karto xiriirka dadka deegaanka iyo Al Shabaab, sida uu hadlka u dhigay.

Xubnahani ayaa isku raacay in qofkiiba laga bixiyo 1 Milyan oo Lacagta Kenya ah, sidoo kalana la sameeyo guddi isku dhaf ah oo dowladda kala shaqeeya xiriirka bulshada. Sidoo kale waxa ay  isku raaceen in xogta ay bixiyaan dadka deegaanka ee la xiriirta Al Shabaab aan la shaacin, si aysan qatar u gelin nafta dadka la shaqeeya hay’adaha ammaanka.

Al Shabab ayaa inta badan beegsada dadka aan Soomaaliyada aheyn ee ku dhaqan gobolka NFD ee Kenya gumaysato, arrintaasi oo ay dowladdu tilmaamtay in ay tahay mid Al Shabab ay doonayaan in ay ku kula qeybiyaan dadka shacabka ku nool gobolkaasi.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.