Dowlad Goboleedka puntland ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in rabshadihii ka dhacay Ogadenia saameyn ku yeeshay deegaano ka tirsan Maamulka Puntland.

War qoraal ah oo laga soo saarey Madaxtooyada Puntland ee Magalada Garoowe ayaa waxaa lagu sheegay in ay Puntland aad uga xun tahay rabshadihii sababey dhimashada iyo dhaawaca iyo boobka hantiyadeed ee ka dhacay Ogadenia.

Waxaa sidoo kale lagu cadeyey War-saxaafadedka in Hanti iyo Gaadiid laag leeyahay Ogadenia ay kusoo qul qulayaan xaduudka beenadka ay Soomaaliya la wadaagto Ogadenia, isla amrkaana Puntland ay go’aansatay in ay badbaadiso hanti lagala soo goostay Ogadenia.

Sidoo kale mamuulka Puntland waxa ay cadeyneysaa in deegaanadeeda aan lala imaan karin hanti laga soo boobey deegaanada ay rabshadaha ka jiraan ee Ogadenia.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.