Wararka naga soo gaaraya gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in qarax lagula beegsaday Kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo duulan ku joogo dalka.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxa ay ku qaraxday Kolonyada ciidamada Itoobiya, xilli ay marayeen  inta udhaxeeyo degmada Bardaale iyo Qansaxdheere, kadibna dagaalyahaano katirsan Al Shabaab ayaa jidka u galay ciidamada Itoobiya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in weerarka uu ka dhashay Khasaare kala duwwan, balse ilaa iyo hadda aan la xaqiijin karin.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in qaraxu ahaa mid xooggaan, kaas oo si weyn looga maqlay goobta.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo inta badan looga bartay qaraxayada noocan oo kale ah, ayaa baraha ay ku faafiyaan wararkooda waxa ay ku sheegteen masuuliyada qaraxan maanta dhacay, iyagoo sheegay in ay khasaare ba’an gaarsiiyeen Kolonyada ciidamad Itoobiyaanka ah oo la kulmay weerarka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.