Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax gaari lagu xiray, kaasi oo ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka, gaari nooca raaxada ah ayaa la sheegay in lagu xiray walxaha qarxa, waxaana uu qarxay xilli uu gaarigan yaallay nawaaxiga isbitaalka Somali Sudanes.

Goobta uu gaariga ku qarxay waxaa sidoo kale ku dhow bar Koontarool oo ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka.

Ma jiro wax khasaare ah oo qaraxan uu geystay, iyadoo qofkii lahaa la sheegay in aanu gaariga saarneyn markii uu qaraxan dhacayey.

Ciidamada ammaanka ayaa hadda su’aal weydiinaya shaqsiga qaraxa loogu xiray gaarigiisa, inkastoo weli aan la faah faahin qofka gaarigan leh cidda uu ahaa.

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ayaa ah kuwo aad ugu soo batay magaalada Muqdisho, iyadoo dhanka kale ammaanka magaalada uu faraha kasii baxayo.

Halgan Media.