Lix Qof aya dhimatay Kadib marki ay Ciidamada Tigreegu rasaas kufureen Shacabka Magalada Alamata kuwaas oo Mudaraaad
Waday. Sida ay warbahinta Waqooyiga Itoobiya shegayso waxa iyana dhaawac ah Dad badan kuwaas oo Hada lagu dabiibayo Isbitaalada.

Rabshadahan aya bilowday Kadib markii ay Shacab kaso jeeda Qoomiyada Amaharada ee kunool Gobalka Tigree ay Mudaharad bilaabeen iyago Ku dalbanaya inay Xuquuqda ay Ku leeyihin Gobalka ay helaan iyo in lagu Xushmeeyo waxa ay yihin oo ah Amhara, Markas ayeyna Ciidamada Tigreegu bilaabeen inay rasaas kufureen Shacabkii.

Rabshadaha udhaxeeya Qoomiyadaha aya in dhawaan ah ba kuso badanaya gudaha Itoobiya, ariintaan waxa laga yaaba inay sii kordhiiso burburka xukuumada gumaysiga itoobiya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.