Ugu yaraan 50 Muhaajiriin ah ayaa ku dhintay duqeyn ka dhacday gudaha dalka Libya, halka ay ku dhaawacmeen 120 kale, kadib markii ay Diyaarado dagaal ay Weeraren xero Qaxooti kutalla duleedka magalaada Tripoli we caasimada dalka Libya.

Xarunta la duqeeyay ayaa ku taalla bariga Tajoura oo ka tirsan magaalada Tripoli ee Caasimada dalka Libya. Sidoo kale Dadka dhintay ayaa inta badan ka soo jeeda dalalka Qaaradda Africa, sida Sudan, Eretria iyo Somalia siidi ay sheegan idacaada Al Jazeera.

Warar ay heshay Halgan Media ayaa ku warramaya in muhaajiriinta geeriyooday ay ku jiraan Soomaali badan, kuwaas oo aan weli tiradooda la shaacin.

Dowladda ay aqoonsan tahay Qaramada Midobe ee Libya, fadhigeeduna yahay caasimada Tripoli ayaa weerarkan ku eedeysay dagaal oogaha dalkaasi Khaliif Xaftar oo tabacsan Imaraadka Caraabta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.