Wararka nagaa soo gaadhay Soomaaliya ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar dhowr jiho ah ku qaaday Saldhigyo Ciidamada Itoobiya ay ku leyihiin degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Dad ku sugan degaanka Halgan ayaa xaqiijiyay in saldhiga ay Ciidamada Itoobiya kula haayeen gudaha degmada Halgan ay Al-Shabaab ku qaadeen weerar culus oo ku bilaawday qaraxyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay markii hore u suurta gashay in Ciidamada Itoobiya ay kala wareegaan gacan ku heynta saldhiga.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda kuna sugan magaalada Baardheere ayaa sheegay in ay kol hore ka war heleen weeraro Al-Shabaab ay qorsheynayeen in ay ku soo qaadaan magaalada Baardheere, weerarkii saakay lagu soo qaadana ay iska difaaceen, iyagoo sheegay in khasaare badan ay dagaalka ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno degmada Halgan ayaa sheegaya in dib loo celiyay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka sooqaaday, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac wallow aan la xaqiiji karin inta uu la egyahay.

Gobolka Hiiraan todobaadkhan Gudihiisa waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ay ku qaadaan Ciidamada Itoobiya, waxaana weerarkii kan ka horeeyay uu ka dhacay isla degmada Halgan.

Halgan Media.