Shir Golaha wasiirradu Maanta ay yeesheen oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu ogolaaday in dib loo furo duullimaadya gudaha si loo fududeeyo isu socodka Bulshada, iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka COVID-19.

Golaha ayaa dood dheer oo ay yeesheen kadib waxay cod aqlabiyad leh ku ogolaadeen in si taxadar leh dib loogu bilaabo duullimaadka gudaha maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay July 05, 202o, iyada oo maalintiiba ay dowlad gobaleedyada dalka tageyso hal diyaarad.

Shirka ayaa dhanka kale, lagu meel mariyay Heshiiska Gaadiidka Badda ee Soomaaliya iyo Qatar iyo Hindise-sharciyeedka Summadaha Ganacsiga.

Halgan Media