Warar aan ka hellay Gobolka Gambella ayaa sheegaya inay dagaaladii ka socday gobolka Gambella ay sii xogaysteen. Dagaalkan oo socday in ka badan labo todobaad  ayaa waxaa ku dhintay dad aad u tiro badan hanti badanina way ku baaba’day.

Waxaanan horay idiinku soo sheeganay inay ciidamada Ismaamulka Gambella hubeeyeen qoomiyada Nuerka isla markana ay hubka ka dhigeen qoomiyada Anyuka, si ay u xasuuqaanka shacbka qowmiyada Anyuka.

Itoobiya ayaa noqotay meel ay dagaalo badani ka socdaan, dagaaladan oo inta badan ka socda Oromiya, Gambella, Benishangu, Canfar iyo Ismaamulka Axmaarada ayaa wiiqay siyaasada iyo dhaqaalaha Itoobiya.