Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo oo diiday inaan magacooda shaacino sababa amni awgeed ayaa Halgan Media u xaqijiyay in uu Fahad Yasin amray in Mukhtar Robow laga wareejiyo goobta u ku xirnaa ee lagu ciqaabi jiray, kuna taala xaruunta Nabad Sugida ee Habar Khadijo, iyadoona loo warejiyo xabsiga qarsoodiga oo ku yaala gudaha xaruunta madaxtoyada ee Villa Somalia.

Ilo katirsan hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa xaqijiyay in maanta sacada markii ay ahayd 14:32 waqtiga Barig Afrika uu Fahad Yasin ku amray ciidamadisa in ay Mukhtar Robow kasoo qadaan Habar Khadijo, madaama aysan xaruunta Nabad Sugida gacanta ugu jirin Fahad Yasin xili ay ciidamada Nabad Sugida laba garab u kala safteen kadib markii uu khilafka xoogan uu ka dhex qarxay Farmaajo iyo Roble, taasne ay sababtay in ay labadooda Taliska Nabad Sugida u kala magacabaan Yasin Farey iyo Bashir Goobe.

Dhinaca kale, Fahad Yasin ayaa kasoo degtay garoonka Aden Cadde, qayb si gaar ah isaga loogu talagalay, markii uu dhofayo ama kasoo deganayo Magaalada Muqdisho sida maanta oo kale, waxayna ilo wareedyo Halgan Media u xaqijiyay in uu Fahad Yasin kasoo degay diyaarada maanta sacado markii ay ahayd 15:25 waqtiga Bariga Afrika, lana sheegay in uu hada ku wajahan yahay xarunta madaxtoyada ee Villa Somalia oo ah meesha loogu talagalay in la geeyo Mukhtar Robow oo ah maxbus dulman oo si sharci darro ugu xiran Fahad iyo Farmaajo sedaxdi sano ugu dambeyay.

Mukhtar Robow ayaa la geeynaya Xabsi qarsoodi ku yallo Madaxtoyada hoostisa, madaam u Fahad Yasin go’aamiyay inuu san Habar Khadijo yahay meel lagu aamini karo in lagu sii hayo Mukhtar Robow balse sheekada halkas kuma eka.

Sida aan xogta ku helnay, Fahad Yasin ayaa ka fikiriya wixii uu ku sameeyn lahaa Mukhtar Robow, waayo hada ma awoodo in uu qiso (dilo) Mukhtar Robow taas oo ay ka dhalaneyso qarax siyasadeed, mid kasi daran kan haatan taagan ee kiiska Ikran Tahlil lakin wuxuu kasi cabsi qaba hadii u si deeyo Mukhtar Robow sida u indhaha bulshada uga jeediyo tooshka muddadi ugu dambeyay ay bulshada ka heyso Fahad in uu Mukhtar Robow cules siyasadeed ku noqdo isago (Fahad) iyo Farmaajo madaama u Mukhtar Robow ku dhawad sedax sano qab sharci darro ugu xirnaa Fahad iyo Farmaajo, iyagoo weliba ciqaabayo.

Hada wali lama oga go’aanka u Fahad qadanayo ee ku saabsan Mukhtar Robow. Hasa ahaatee waxa la Xaqijin kara in uu Mukhtar Robow hada jidka ku jiro, isago oo ay gelbinayayan ciidamada Fahad Yasin, kuna wajahan Madaxtoyada.

Halgan Media