Dacwada badda u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya ayaa la filaya in ay beri go’aan ka garto maxkamada calaamiga ee ICJ. Dad badan oo falanqeyo ariimaha quseeyo geeska Afrika ayaa u badaniyo in ay Soomaaliya guuleysan doonto. Sido kale ummada Soomaaliyeed oo dunida dafaheda ku nool ayaa isku diyaarinayo in ay u dabal degan guusha Soomaaliya, balse dad badan ayaa iloowsan maxa sababay in ay Somalia xeerkan garta? iyo yaa u fudeeyay Gumeystaha madow ee Kenya in ay kuso dulaan badda Soomaaliya?

Warbaahinta Halgan Media ayaa soo baray, soona aruuriysay cadeeymo ku sabsan masuuliyinta Somalida oo gacan sar la lahaa Kenya sida loo boobo badda Soomaaliya, waxana warbixintan qalinka u qaatay wariye Cabullahi Xidig iyo wariye Guled Cumar oo ka faalooda arrimaha siyaasadda iyo amniga, kana tirsan howlwadeenada Halgan Media.

Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya waxa dowlada kumeel gaarka ah ee Somalia iyo dowlada Kenya dhex maray heshiish is-afgaarad oo ah mid mugdi badan ku jiro, kuna sabsan badda Soomaaliya, waxaana heshiishkas xaraanta ah qalinka ku dhugay Wasirka Qorshaynta xiligas ee Cabdiraxman Cabdishakur Warsame iyo wakiil kasocdo dowlada Kenya marki tariikhdu ahayd 7da biisha April 2009, basle 24 sac kadib markii la saxixiay heshiishkas oo mugdi badan ku jiro, Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa warqad u qoray xoghaya guud ee Qaramada Midobe oo magacis ah Ban Ki Moon ku sabsan in ay Somalia gartay shuraadaha loo bahnay kuna sabsan heshiishka oo Cabdiraxman Cabdishakur Warsame qalinka ku dhugay isago matelayo xukuumada Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashid.

Hoos Akriso Warqada ay Halgan Media gacanta ku dhigtay, kuna sabsan warqada u Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke u diray Xoghaya Guud ee Qaramada Miboode (UN).

4 bil kadib markii tarikhdu ahayd 19ka August 2019 ayuu Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdrashid mar kale warqad u diray Qaramada Midobe, isagoo weliba xusayo qabka oo u dhacay heshiihska mugdiga dhex maray dowlada kumeel gaarka ee Soomaaliya iyo dowlada Kenya ku sabsan xaduud badeedka u dhaxeeyo Somalia iyo kenya, isago weliba xaqijinayo in uu howsha si toos u fuliyay wasiirka Qorshaynta Cabdiraxman Cabdishakuur, kadib amar kasoo baxay xafiska ra’iisal wasaaraha.

Hoos ka akhriso warqada rasmiga ay Halgan Media gacanta ku dhigtay oo xaqijinayo in uu Wasirka Qorshaynta Cabdiraxman Cabdishakur saxixay heshiishka muraanka dhaliyay ku sabsan badda Somalia oo daneeynayo dowlada Kenya isago la kashanayo Cumar Cabdirashid.


Labo bil kadib markii tariikhda ahayd 10ka biisha Oktober ee 2009kii, Ra’iisal Wasaraha hore ee dowlada kumeel gaarka ah, Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke wuxuu qoraal rasmi ah u diray Ban Ki Moon oo waqtigas ahaa Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey. Taasna oo ku sabsan in barlamaanka kumeel gaarka ah in uu diidey  heshishka is-afgaarada u dhex maray dowlada kumeel gaarka ah ee Soomaaaliya iyo dowlada Kenya marki tarikhdu ahayd 7da biisha April ee 2009kii.

Hoos Akhriso warqada ay Halgan Media gacanta ku dhigtay oo Cumar Cabdirashid u diray Xoghaya guud ee Qaramada Miboobe ku sabsan fashilka uu kala kulmay barlamaanka markii ay soo bandhigeen heshiishka badda.

Lix bil kadib markii ay kasoo wareegtay warqaada u Ra’iisal Wasaarahi hore Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke la wadaagay Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey, Ban Ki Moon, shabakada rasmiga oo ay ledahay Qaramda Midbobe (UN) waxa lagu faafiyey warbixin ku sabsan in uu barlamaanka ku kumeel gaarka ah ee Soomaaliya in ay diiden is-afgaradka ku sabsan heshiishka MOU ay xukuumada federalka la gashay dowlada Kenya. Sido kale Qaramada Midobe (UN) ayaa sheegay in March 2nd 2010kii u safiirka Sooomaaliay u fadhiyay UN-ka ee la magacabo Cilmi Axmed Ducaale  oo xoghaya guud ee Qaramada Midobe uso diray warqad ku sabsan go’aanka ay barlamaanka Somalia qaaday oo ka dhan ah heshiishka qarsoodiga dhex maray dowlada kumeel gaarka ah ee Somalia iyo dowlada Kenya kuna sabsan badda Soomaaliya, iyagoo kuso qoray website-ka rasmiga ay leyihiin Qaramada Miboobe. (Halkan Riix Siida U Akhrisid)

Hoos ka akhriso warqada u safiirka Somalia u fadhiyay Qaramada Miboobe (UN), Cilmi Axmed Ducaale u diray xoghaya guud ee Qaramada Midoobe.

Hadaba akhristiyal waxa laga yaba inaad is weydinaysid, muxuu yahay sababta ay dowlada kumeel gaarka ah u hor kacayo Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo mar walba Qaramada Miboobe (UN) la socod sinayo ariimaha quseeyo heshiishka mugdiga ay la galen dowlada Kenya ku sabsan xaduud badeedka Somalia? Sida wada la ogyahay Qaramada Mibobe wuxuu ku kooban yahahy calaamka oo dhan, weliba u awooda buxda gacanta ugu jiro quwudaha aduunka, siiba wadamada reer galbeedka, taas oo keentay in ay shaatiga Qaramada Mibobe (UN) loo adeegsado danahoda guracan ay ka leyihiin wadamada oo kheyraadka dabiciga leh sida Somalia, taasna baa keentay in uu xukuumada kumeel gaarka ah si joogta Qaramada Midoobe u la socod siyo heshiishka dhex maray dowlada Somalia iyo kenya.

Sida muqaato oo ay xaqijinayso cadeeymaha oo ay Halgan Media maanta soo bandhigtay, dalkeena hooyo ee Somalia waa wadan ay quwudaha aduunka kuso duleen iyagoo wato shatiyo kala duwan sida Qaramada Midoobe sida ay fuliyan danaha gar ay ka leyihiin dalka, waxaana tusaale ku ah heshiishka dhex maray dowlada kumeel gaarka ah iyo dowlada Kenya oo ay Qaramada Midoobe gadal ka rixeen sida loo boobo kheyraadka ku jiro badda Somalia, oo ah meel ay shirkadaha shidaalka laga leyahay wadamada reer galbeedka ay saami ku leyihiin. Waxaana shirkadas kamid ah, shirkada Shell oo laga leyahay Mareykanka iyo shirkada Total oo laga leyahay wadanka France.

Madaam ay beri tahay, maalinta la ogaanayo go’aanka maxkamada ICJ kuna sabsan dacwadda badda, waxana dalkeena hooyo ee Somalia u rajaynaynaa in ay ku guuleysato dacwada, sida kheyraadka dalka laga badbaadiyo Shisheeyaha oo soo dulay balse waxaan xasuusinyna Ummada Soomaaliyeed yeeysan ilooban ragi dalkooda khiyaamay iyagoo u adeegayan dano shisheeye, loona bahanyahay in lala xisabtaamayo.

Soomaaliya ha guuleysato.

Halgan Media Service Desk.