Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia ayaa sheegaya qalalaasihii maalmihii dhawaa ka taagnaa magaalada Jigjiga ee xarunta gobolka Fafaan ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay, ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii magaalooyinka Wajaale iyo Jigjiga.

Maanta ayaa waxaa si rasmi ah u bilowday isu socodka gaadiidka iyo shacabka isaga kala gooshaya Labadaa magaalo, kadib muddo isbuuc ku dhaw oo uu hakad ku jiray.

Magaalada Jigjiga ayaa maalmo kooban waxa kasocday kacdoon, iyada oo ugu dambeyn uu xilkiisa ku waayay wakiilka gumeysiga Cabdi Iley. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.