Wararka nagasoo garaay gobolka Qorahay gar ahaan Qabalaha Dacwaale oo katirsan degmada Shilaabo ayaa sheegaya inuu dagaal dhex maray dad Xoolo dhaqaato ah.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay dagaalka kadib, waxaa goobta garaay Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska iyo 4 Qof kamid dadka Xoolo dhaqaatada oo ku dagaalamay Qabalaha Dacwaale kadib waxaa dadka loo taxaabay xabsi ku yallo degmada Shilaabo.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Qorahay oo ku aadan dagaalka ka dhacay Qabalaha Dacwaale ama dadka la xiray.

Sidoo Xaaladdd ayaa hadda degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay weli kusugaan maleeyshiyaadka Liyuu Booliska.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.