Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  dagaal maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobalka bay.

Inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa ku dhintay,  halka 6 qofna  ay ku dhaawacmeen,  kadib markii dagaal xoogan uu magaalada Baydhabo ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Taabacsan Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Xildhibaano ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa Idacaada Halgan Media u sheegay in xaalada Magaalada Baydhabo ay weli Khasan tahay, islamarkaana laga cabsi qabo xaalada ay ka sii darto.

Dhawaqa rasaas teel teel ah ayaa weli laga maqlayaa Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Xariga Mukhtaar Roobow ayaa waxaa la sheegay in ay qeyb ka ahaan ciidamada itoobiya, iyadoona Roobow isla maanta la keenay Magaalada Baydhabo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.