Dhowr qarax ayaa la sheegay inay ka dhaceen qeybo kamida dalka Itoobiya, iyadoo Ciidamada lagu daadiyay wadooyinka ay isku dayayaan inay xakameeyaan dibadbaxyada sii fidaya.

Waxaa maalintii 3aad gudaha dalka Itoobiya ka soconaya rabshado iyo qalaalaso ka dhashay dilka fanaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa oo ka dhacay Addis Ababa habeenkii isniinta ee lasoo dhaafay.

Dibadbaxyada ayaa haatan xoogooda ka soconayaan magaalada Ambo ee gobolka Oromia, waxaana la arkaya dadweyne carreysan oo wato baangado iyo Ulo, kuwaasoo wadooyinka ku gubaya Taayaro, iyagoo meelaha qaar ay isku dhacyo kala kulmayaan Ciidamada militeriga.

Inta la xaqiijiyay 81 ruux ayaa ku geeriyootay rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dibadbaxayaasha, waxaana la soo warinayaa in xaafado katirsan Addis Ababa laga maqlayo rasaas ay ridayaan Ciidamada Milateriga

Xaalada dalka Itoobiya ayaa haatan ah mid aan deganeyn, iyadoo culeyso siyaasadeed la saarayo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo hoggaanka dalkaasi hayay tan iyo April 2018. Hachalu Hundessa, oo heesihiisa cod siiyey dadka Oromada oo lagu la liiday Itoobiya.

Ciidamada Milateriga Itoobiya ayaa heegan buuxa laga geliyay magaalada Addis Ababa iyo magaalooyinka ku harreereysan gobolka Oromia, waxaana la sheegay inay xakameyn la’yihiin mowjadaha rabshadaha ay sameynayaan dadeynaha carreysan.

Maydka Heesaaga Hachalu Hundessa, ayaa saaka oo Khamiis ah lagu aasay gobolka Oromia, waxaana ka soo qeybgalay madaxda ugu sarreyso Oromada iyo dad aad u badan oo taageeriyaashiisa kamid ah.

Dilka fanaanka ayaa Abiy Axmed waxa uu ku eedeeyay gacmo shisheeye inay ka dambeeyaan, si loogu abuuro colaad cusub oo dhexmarta qowmiyadaha dalkiisa, isagoo ka digay inuu sabab u noqdo falkan kacdoonka cusub oo ka curta Itoobiya.

Halgan Media