Booliis khamraysan oo Itoobiyaan ah ayaa labo askari oo kale oo la shaqaynayay ku dilay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, sida ay ku warrantan warbaahinta dawladda lala xiriiriyo ee FANA oo soo xiganaysa taliyaha booliiska Zeynu Jemal.

Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in toogasho lagu dilay askarigii cabsanaa.

Toogashada ayaa ka dhacday deegaanka Bole ee bartamaha magaalada, halkaas oo booliisku ay jareen waddooyin ka hor intii aysan dib haddana u furin, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.