Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda diinta iyo awqaafta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa amarro lagu dul dhigay masaajidda lagu oogo salaadda si looga hortago xanuunka COVID-19.

Wasaaradda ayaa fartay culumada masaajidda inay badiyaan Alle bariga, quraan akhriska iyo in dhamaan masaajidda lagu qunuudo shanta salaadood.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay qofkii isaga shakiya Coronavirus in uusan tagin masaajidda haddii uu tagana ay noqonaysa xaaraan, waxaana dadka nugul ee qaba cudurada daaha la faray inay guryahooda ku dukadaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.