Wararka nagasoo garaay gudaha Itoobiya ayaa sheegaya inay Ciidamada Federalka Itoobiya ayaa xiray sarakiil sare katirsan ururka Axmaraada ee Baldera sida ay sheegeen qaar kamid ah masuuliyiinta ururka.

Warar ay heshay Idaacadda Halgan Media ayaa sheegaya in Dadka la Xir xiray ay gaarayaan illaa 67 ruux, kuwaas oo isugu jira sarakiil sare iyo xubno ka tirsan ururka Baldera.

Xariga Dadkaan ayaa la sheegay inuu la xariiro Afgambigii fashilmay oo Sabtiiga ka dhacay caasimada Gumaysiga Itoobiya ee magalaada Addis Ababa.

Warkan iyi wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.