Weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone-ka ayaa lagu qaaday warshadda soo saarta shidaalka ee dowladda Sucuudiga, taas oo lagu magacaabo Sheybah, sida ay sheegtay waaxda Aramco.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkadaas ayaa lagu xaqiijiyay in ciidanka amaanka ay ka hortageen diyaarada weerarkaas loo adeegsaday,  iyadoo aysan jirin wax yeelo ka dhalatay.

Afhayeen u hadlay Maleeyshiyaadka Xuutiyiinta ayaa goor sii horeysay sheegay in 10 diyaaradood ay ku weerareen ceelka shidaalka ee Shaybah ee Sucuudi Carabiya.

Xuutiyiinta ayaa dhanka kale sheegay in weerarkaas uu yahay kii ugu xooganaay oo ay ku qaadaan gudaha dalka Sacuudiga.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.