Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax Miino oo qabsaday gaari ay la socdeen dad Shacab ahaa xilli ay marayeen agagaarka Isbitaalka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho,kaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Gaariga qaraxa qabsaday oo ahaa nooca Soomaalida ay u taqaano hoomey ayaa la sheegay in uu ka baxay Magaalada Muqdisho,isla markaana uu kusii jeeday degmada Walanweyn ee G/Shabeellaha Hoose.

Mid kamid ah dadkii saarnaa Gaariga oo dhaawac fudud uu kasoo gaaray ayaa sheegay in 2 Ruux ay geeriyoodey oo ehelkiisa kamid ahaayeen tiro kalena ay dhaawacmeen,kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagu daweynayo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha deegaanka lafoole ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in gaariga uu ka ambabaay Ex-kontorool Afgooye kuna wajahnaa degmada Walanweyn ayna saarnaayeen 22 Ruux oo lix kamid ah ay geeriyooden halka 14 kale ay dhaawacmeen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.