War hordhac ah oo hadda war Qabadka Halgan Media soo gaadhay ayaa sheegaya in Jaamacada Haramaaya oo ku taala  magaalada Haramaaya oo u dhaxayasa Harar iyo Diridhaba in maanta dagaal dhex maray Ardayda Jaamacada iyo booliska.

Ariintan wuxuu yimiid kadib markii ay Ardayda Jaamacada oo kasoo jeedo Qomiyada Oromada bilabeen banaanbaxyo, waxaayna Booliska rasaastaa nool ee loo adeegsaday ardayd,halka qaar kamid dhaawacyo kala duwan soo gaadheen Ardayda.

Hase yeeshee waxaa siwayn isu difaacay ardaydii iyagoo adeegsaday dhagax iyo waliba biro, waxaase ardaydii u awood sheegtay ciidankii Agaziga oo aad uhubaysnaa isla markaana aan uturaynin ardayda.

Mudharaadkan ayaa waxa u ka mid yahay mudaharaadyo badan oo  xogan oo magaaloyin badan oo ka tirsan Ismaamulka Oromada ka dhacayay ilaa todobaadkii hore e la soo dhaafay.

Ma aha markii ugu horaysay ee ardayda Jaamacadaha iyo ciidamada Booliska ay isfara saaraan, waxaana laxasuusan yahay dhowr gacan kahadal oo dhex maray ardayda joomacadaha oo loo aanaynayo in ay hormuud kayihiin kacdoonada shacabka iyo Mamuulka Ismaamulka Oromada ee khal khashan.

Hoos ka Daawo Sawiirada

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.