Wararka ka imaanaya degmada Filtu ee xarunta u ah gobolka Libaan ayaa sheegaaya in xaalad Biyo la’aneed ay halkaas ka taagantahay oo saamaysay dadka iyo duunyada ee halkaa ku nool.

Qar kamid dadka degaanka oo wareysi siiyey Halgan Media ayaa sheegay in xaaladda Biyo la’aanta ay mudooyinkii lasoo dhaafay halkaas laga dareemaayay iyo degaano kale oo hoos yimaada degmada, Waxaana sii sheegen in Shacabka halkaas ku nool ay walaac xoogan ka muujiyeen biyo la’an ee iminka soo wajahday.

Dadweynaha Filtu oo aan qaar ka mid khadka Telefoonka kula xiriirnay ayaa waxaa ay sheegeen in ay aad uga walaacsanyihin Biyo la’aanta ka jirta degmadda, iyadoo dadka Reer Miyiga ay bilaabeen in ay usoo hayamaan degmadda si ay u helaan Biyo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.