Kulumo Albaabada u xiran oo weliba si joogta ah ayaa 24 sac ugu dambeeyay ka socdo xaruunta NISA oo ku tallo magalaada Muqdisho ee caasimada dalka.

Jeneral Abdalla Abdalla oo ahaa taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa bartiisa rasmiga uu ku leyahay Facebook kuso dabaacay in shalay iyo xalay kulumo joogta ah oo ka socday xaruunta NISA una dhaxeeyo dadka u dhow kaliye taliye Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Dadka ka qeyb galaya kulumada ayaa la sheegay in ay kamid yihiin Abdullahi Kulane oo kamid Saraakiisha ugu sareeyo Hay’adda Nabad Sugida iyo xita guddomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka side, waxaana la qorshayeeay in la beegsado cid walba halis ku ah taliska Maxamed Cabdullahi Farmaajo gaar ahaan mucaaradka sida u hadalka u dhigay Jeneral Abdalla Abdalla Maxamed.

Qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook mudane Abdalla Abdalla ayaa kusoo beegmay xili maanta uu madaxweynaha hore ee Xassan Sheekh Maxamud ka badbaday isku day dil, waxaana lagu tuhunsanyahay in falkan isku dayga dilka ah laga soo abaabulay Villa Somalia.

Hoos ka Aqriso qoraalka u Jeneral Abdalla Abdalla kuso dabaacay booga uu ku leyahay Facebook.

Hayada amaanka ee dalka ayaa burbuuray markii ay  kooxda Fahad Iyo Farmaajo la wareegan talada Villa Somalia, waxan tussale ku ah qoraalka u qoray mudane Abdalla Abdalla Maxamed.

Halgan Media.