Ururka loo yaqaan Organisation of Islamic Cooperation (OIC) waxaay Qaramida Midobe ugu baaqeen in ay si buuxda cunaqabateynta hubka uga qaadaan Soomaaliya, si loo dedejiyo dhismaha hey’adaha amniga ee Soomaaliya.

Qoraal ay horay ugu sii gudbiyeen QM ayaa waxa ay Kooxdan Golaha Ammaanka uga dalbadeen in ay si buuxda cunaqabateynta hubka uga qaadaan Soomaaliya, si loo dedejiyo dhismaha hey’adaha amniga ee Soomaaliya, isla markaana looga adkaado Al-Shabaab.

Kulanka waxaa lagu soo dhweeyey in xafiiska OIC ee Soomaaliya loo badalo mid lagu hormarinayo siyaasadda iyo arrimaha dhaqan-dhaqaale, qeybna ka qaato sidoo kale dib u heshiisiinta.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.