Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee Cudurka Coronavirus oo maalin gudaheed laga helo Gudaha dalkaas.

War kasoo baxay Wasaaradda waxaa lagu sheegay in dad looga shakiyey Cudurka  ee baaritaan lagu sameeyey Cudurka COVID-19 laga helay 11 ruux.

Dadka Cudurkaan laga diiwaangeliyay Maanta ayaa waxaa la sheegay inay ku nool yihiin deegaannada Canfarta, Oromada iyo Tigreega.

Kiisaska Cusub ee Coronavirus ee Maanta laga diiwaangeliyay Itoobiya  ayaa tirada  Guud ee dalkaasi  laga helay waxaa ay boqoneysaa 250 Ruux.

Warkan iyo wixi ka soo kordha kala soco Halgan Media.