Guddomiyaha Jabhada OLF Dawuud Ibsa ayaa wareysi siiyay idacaada Arts TV World oo kasoo baxdo magaalada Addis Ababa ee xarunta taliska Itoobiya, wuxuuna gudoomiyaha ka hadlay dhowr arimood oo xasaasi ah.

Mar gudoomiyaha la weydiiyay siduu u arko dib u dhigista doorashada iyo qaabka dalka loo maamuli lahaay, wuxuu sheegay “ waxaan aaminsanahay in nidaamka Federalismka uu yahay lama taabtaan iyo hadii Federalismka la ixtiraamo waxaa suurogalaya shucuubta ku nool Itoobiya inay wada noolaadaan Laakiin hadii nidaamka Federalismka laga tagayo in itoobiya kala tagi doonto” sida hadalka uu udhigay

Wararkaasi kasoo baxaya Dawuud Ibsa waxay cadaynayaan in siyaasadda Itoobiya ay San ahayn mid degan iyo loolan adag oo udhaxeeyo Dowlada Federalka iyo mucaaradka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.