Wararka naga soo gaadhay gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in israsaaseyn xoogan ka dhacday magaalada Gonder ee Xarunta Ismaamulka Amxaarada.

Sida ay sheegtay idaacadda VOA ee laanta Amxaarada dagaal kooban ayaa dhex maray kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon iyo ciidamada amaanka, wuxuuna dagaalku sababay inay dhintaan 4 kamid ah ciidamada amaanka, waxaana rasaasta ku dhaawacmay laba qof oo rayid ah Sida ay wararka u dhigeen.

Weli cidu ma sheegan masuuliyadda weerarka, waxaana ismamuulka Amxaarada muddooyinkii u dambeyay kusii badanayay amni darro baahsan taas oo saameyn weyn ku yeelatay guud ahaanba maamulkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.