Ciidamada dowladda Yemen ayaa Isniintii shalay shaaciyay in ay gobolka Daalic ee koonfurta dalkaasi ku  dileen tiro Afrikaan ah oo u dagaallamayey malayshiyaadka Xuutiyiinta.

Bogga September.net ee ku hadla Afka ciidamada dalka Yemen ayaa sheegay in dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada iyo malayshiyaadka Xuutiyiinta  ay 5-tii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayeen magaalooyinka  Mariis iyo Dumta oo ku yaalla waqooyiga gobolka Daalic ee dalkaasi.

Dagaalka xooggiisa ayaa weli ka socda magaalada Dumta oo ku taalla buuraleyda Naasiriya ee istiraatiijiga ah halkaasoo gacan-ku-haynteeda si weyn loogu loollamayo.

Bogga September ayaa sheegaya in dagaalkaasi Xuutiyiinta lagu gaarsiiyay khasaare 267 oo dhimasho iyo dhaawaca kuwaasoo ay ku jiraan Afrikaan ka garab-dagaallamayey

September ayaa sidoo kale sheegaya in dadka la dilay uu ku jiro hoggaamiye sare oo ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Ibraahim Aqrac iyo 30 Soomaaliya oo ka garab-dagaallamayey Xuutiyiinta Yemen kadib markii ay askareeyeen.

Sida uu boggan sheegayo kooxda Xuutiyiinta ayaa mushahar siiya malayshiyaad Afrikan ah oo u dhashay Soomaaliya si ay uga garab dagaallaman isagoo xusay in looga faa’idaystay duruufaaha nololeed ee ay ku jiraan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.