Kulankaan lagu heshiisiinayey beelo walaalo ah oo in muddo ah ku dagaalamayay tuulooyin hoostaga gobolka Doolo ayaa lagu qabtay degmada Galaadi ee gobolkaasi.

Nabadoono ka kala socday dhinacyadda ay dirirtu dhex-martay ayaa kulanka ka qaybgalay, kaasi oo gabagabadii laga soo saarey qodobo ay isla meel-dhigeen dhinacyadda intii uu kulanku usocday.

Qodobadda ay isla afgarteen waaxaa kamid ah in si rasmi ah xabada loo joojiyo, in la kala qaado maleeshiyaadka dagaalamay, mustaqbalka colaada xalka laga gaaray, iyo in cidii dib u bilowda talaabada  laga qaado.

Dagaaladda udhaxeeya Beelaha Soomaaliyeed oo kusoo noq-noqda degaanada hoos-yimaada gobolka Doolo oo sababa dhimasho iyo dhaawac, ayaa waxa ay badankooda salka ku hayaan Aanooyin qabiil iyo dhul-daaqsimeed.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.