Wararka laga helayo Gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Xalay Al Shabaab weerar ku qaadeen Saldhig ee Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Degmada Waajid ee Gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhawaac, dhinaca ciidamada Itoobiya waxa la xaqiijiyay in laga dilay labo askari.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Bakool oo ku aadan weerarkaasi.

Balse dhawaan ayey ahayd markii Al Shabaab weerar ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin duleedka degmada Xudur ee xarunta Gobolkaasi Bakool.

 

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.